////=======Jeel Ogaadeen====////
Waxay ahaayeen 7 wiil oo dhallinyaro ah oo aqoonyahan ah midka ugu hooseeyana uu ahaa heerkaa 1aad ee jaamacadda, waxay ku kala takhasuseen culuumta aadka looga daneeyo Deegaanka Soomaali Galbeed, sida Culuumta Biyaha, Maamulka, Caafimaadka IWM.
Waxay ahaayeen caruur dhalatay ugu horeyn waqtigii kala guurka ee Tigreygu dalka gacanta ku dhigay, waxaad taqaaneen Iska dhaaf ubadka dhasha xilliyadaase, madaxweynayaasha Kilalka loo dhiibayo ayaa loo sameyn jiray iimo iyo astaan xun oo ay Itoobiya ku gumeysan karto, waliba intii marar badan lasoo istaajiyo meel fagaare ah (Public Hearing) laga yeedhsiin jiray erayo u horseedaya inay daba dhilif unoqdaan Itoobiya Sida: waan khaldanayn oo Soomaali maannaan ahayn wax u eg, oo haddaan qaadanay wadadii saxda ahayd ee Demoqraadiyadda.
Caruurta waxaa la baraa waxaanan cilmi ku tilmaami karin oo aan is dhihi karo waa diinta Itoobiya (Ahmaric) Waa maaddooyinka sida waajibka ah looga qaato iskuulaadka , halka Tarbiyadii Islaamka iyo Dhaqanka Suubban laga saaray khadka.
Waxaana xaqiiqo ah oo aad idinkuba wada ogtihiin in qofka Jaamacadda Jig-jiga iyo kuwa lamid ka ah kasoo baxo isagoon wax badan u kordhin illeen lama rabo horumarkiisee; qof dadaalkiisa ku gaadhay mooyee, halka kan Addis-Ababa iyo qaybaha kale ee Ethiopia wax kasoo bartaa uu lamid yahay Dowladaha Afrikaanka ah, Illeen waa Itoobiyaan-kii saxda ahaaye.
Caruuta waxaa jirta maalmo sida Ciidda Muslimiinta loo baro oo lagu qasbo inay qaataan, waxayna wada camiri dabaal degga maalintaasi meelkasta oo kamid ah Kilalka, maalmahaas waxaa kamid ah, Haayaagimbood oo ah dabaal degga maalintay Itoobiya xorowday, iyo maalin la dhaho kalandharka ayaa cas (Callendar) oo aanan anigu garanayn wax laga wado. Maalintaas waxaa la fasaxaa dhammaan goobaha waxbarashada iyo shaqaalaha dalkaba.
Haddaba caruur qaan-gaadhay 10-kii sano Cabdi Illey haystay Kilalka oo isagu Jaamacadaha kasoo bixiyey masuulna ka ahaa waxbarashadoodii aabo kale iyo hooyo kalana aan lahayn oo xittaa xilliyada fasaxa aan soo aadin hooyooyinkood ee aada isaga si ay aabahood guulaha uu horseeday isooga soo daawadaan oo ay ugu raaxaystaan (waa siday iyaga uga dhigantahaye), maxay galabsadeen oo ay ku mutaysteen xidhay lagu xukumay dhowr iyo toban sano, maxay bi’iyeen oo loo qoonsaday.
Waxaa loosoo kexeeyey wax marti qaad iyaga uga dhignaa, laakiin shirqool ahaa.
Waxay islahaayeen aabihiin lasoo qadeeya oo lasoo damaashaada, laakiin hoostoodaba maysan ka dayin in la xidhi illeen danbiba malahee.
Maxay galabsadeen caruurtaasi oo aan ahayn in hooyadood ay u ducayn jirtay isaga 24 saacadood illeen isagaa waxbarshada ka bixin jiray iyo Jaamacadaha bee.
Maxay galabsadeen oo aan ahayn inay aqoontoodii kusoo celiyeen Gobolka oo ay isaga gacan yare u noqdeen. Cuntadu waa ka xaaraan oo waxay cunaan baasto ama bariis cad oo biyo lagu qooyo ama Koosharo (Qurdum) aan biyo lagu cabayn illeen waxaa la rabaa inay harraadaane. Waalidkood ma booqan karo. Caruurtoodu uma ooyi karto. Ehelkoodu ma salaami karaan. Maxkamada racfaan ama dacwad ma gaysan kartid illeen maxkamadiba maysan soo xidhine. Waalidkood waxay uga dhigan tahay gablan illeen mabayna intifaacsane.
Intee in le’eg ayey kuwii ay ka waaweynaayeeni ku dayan karaan oo ay yeelan karaan rajo qurxoon oo uu wiilkoodu yeeshay. Dhawaaqa xabsida ka bixi, baroorta, ciil-kaambiga, hiin-raagga qofka la dhibay, waa tan niyad jabka ku ridda. Kufsiga iyo jidh dilku waa kan xiqdiga ku beeraya ee xitaa shaki galinaya bani aadantinnimada qofkaas. Godadku waxay kala leeyihiin qaybo wayna ka heer sarreeyaan. Way kala kululyihiin wayna kala cidhiidhisan yihiin. Midbaa jahannama ah midbaase jaxiima ah. waxaa kaaga sii daran caqiida xumada meesha ka jirta oo mararka qaar u horseedaysa qofkan danbi uu ilaahay ka galo iska daa mid uu aadane ka galee.
Waxaan maqli jiray hashu markay rimmantahay ayey awrka ka goojisaa sababtuna waa inay ka baqayso inuu dhibaateeyo waxayna u muujinaysaa inuu ka awood badan yahay oo ay si weyn uga cabsaneyso una adeecayso. Halkaas dadka ayaa sida neefka geela ah uga goojiya taliyaha ama shaalaqaha xabsiga. Haddii aadan goojin cabsi kuguma jirto oo waxaan tahay qof kibirsan ayaa qofka laga dhaadhiciyaa. Waxaa lagu qasbaa oo lagu dilaa inuu sheegto qofku wuxuusan ahayn (Nabad diid, seel, IWM.)
Carabtu barigay jaahiliinta ahaayeen waxay nolol duugi jireen caruurtooda kuwa dheddig si’ ay uga fogaadaan ceebaha ay usoo jiidayaan qaarkoodna faqri ayey ka baqi jireen, waana meesha caruurtu ay ka keentay ciyaarya ay markay yaryar yihiin isku maaweeliyaan ee XABAAL-OLOLISKA la dhaho, halkan qofka isagoo nool ayaa la duugaa oo waxaan la qariyaa dhammaan jidhkiisa si aad ahna loogu shubaa carrada korkiisa, waxaana loosoo jeediyaa indhaha oo laga yaabo inayba ciiddu ka gasho sababtuna waa inuu sheegto wuxuusan ahayn qirtana danbi uusan galin.
Boqolaal qof ayaa maalintiiba laga dhigaa gacan-ku-dhiiglayaal iyagoo lagu qasbayo dil ay xasuuq aysan gaysanin inay qirtaan.
Haddaba Gunnaanadkan Qormadan waxaan weydiinaynaa Dambiilayaasha uu Cabdi Illey Hormuudka uyahay, miyeysdaan ogeyn in adduunkuba yahay hadhka labadiisa galin oo ilaahay maalinba midkuu rabo uu keensan sida illaahay aayad qur’aan ah uu ku yidhi “taasina waa maalmaha aan isu weydaarinayno dadka si’ uu ilaahay u ogaado, kuwa ilaahay rumeeyey idinkana uu idiin marag gashado, ilaahayna majecla kuwa xad-gudba”,
"وَتِلْكَ الْأَيَّامُ نُدَاوِلُهَا بَيْنَ النَّاسِ وَلِيَعْلَمَ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا وَيَتَّخِذَ مِنكُمْ شُهَدَاءَ ۗ وَاللَّهُ لَا يُحِبُّ الظَّالِمِين"آل عمران-الآية 140.
waxaanu markhaati ka nahay inaad danbiile tahay ilaahay iyo ummadiisaba danbi ka galay.
Miyaanad ogeyn in aduunka dadka soo marey ee ugu madax adkaa oo ugu kibir badnaa sidaadana dadka u laayey uu ahaa fircoon heer uu gaadho inuu dhaho, sida ilaahay caddeeyey :
"وَنَادَى فِرْعَوْنُ فِي قَوْمِهِ قَالَ يَا قَوْمِ أَلَيْسَ لِي مُلْكُ مِصْرَ وَهَذِهِ الأَنْهَارُ تَجْرِي مِن تَحْتِي أَفَلاَ تُبْصِرُونَ. أَمْ أَنَا خَيْرٌ مِّنْ هَذَا الَّذِي هُوَ مَهِينٌ وَلاَ يَكَادُ يُبِينُ" الزخرف:51-52.
Inuu ahaa ninkii ugu darnaa ee xidha jaakadda (taajka) kibirka iyo xad gudubka, waliba uu gaadhay heer uu ilaahay isku qurquriyo, laakiin ilaahay uu si dhib yar u qabtay waliba uu sabab uga dhigay ciyaalkuu korsanayey. Sabab la’aan waad ogaan!.
Mar wey heli xuquuqdooda weyna noolaan nolol aadan adigu u maamulin, weyna kusoo taagi maxkamad caddaalad ah illeen iyagu dulmiga ma yaqaanaane.
Maruun waad qoomameyn oo waad garwaaqsan danbigaad gashay.
Sheekooyinkan iyo Qormooyinkan oo taxana ah bogayga kala socda Markasta Insha Allah, siina faafiya oo bulshada gaadhsiiya si ay ugu duceeyaan dulmanayaasha dhibban inuu ilaahay soo furto danbiilahanna dhaafiyo.
#Jarar_Way_Hadashay
W/Q: Irshad Maxamud Sh Dahir
https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=2062681514053965&id=100009364098051