Wednesday, October 9, 2019

ANIGA IYO BAXSAN (1)

26 October 2018, Muqdisho, Soomaaliya.

  Sheeko Gaaban!


"Alla nooluhu quruxweynaayeey”!
Indhu eegmada kama daalaan, quruxda midabkeedu waa mid ku ashaqaraarinaya. Markaad aragto waxaad xasuusaneysaa tilmaamihii lagu sheegay bureeqadii rasuulka oo si’aad u sifeyso ayaad garan waynaysaa sameysinkeeda. Dhexda jalaqsan, socodka dabacsan codka jilicda san ee markuu laabta gobo’ ku dhaho wax nafta u egi halkaas kuu mareyso ayey gaar u leedahay inantu.
Sugrada oo soo baxda, dayaxa soo dhalaala iyo qorraxdoo fallaadheheeda ku firdhisay cirka iyo dhulka deedna shoocaac eegmada ku wacani ka soo baxo ayaad ku hogo tusaaleyn kartaa hannaan muuqaalkeeda.
Dhaq-dhaqaqaaqa iyo ruxanka socodkeeda iyo debacsanaanta tallaabadeedu, waxay saaweysaa laan dhabi oo oo ku taalla meel liil ah islamarkaana ay ruxayso dabeyl yar oo si deganaan ah u wadhfinaysa kolba gees, waxay wagaan qurxda iyadu ildoogsiga iyo hammuun qabka aad dareemeyso markaad daawanahayso. Qofkii arkaa Kama jeedsado wuu milicsadaa misna eegmada la daba galaa ushuna maba daaleyso oo sida dhaan daban gaallaha ayey sii beekhaameysaa oo kolba usoo dhawaanaysaa aragtida kuna galinaysaa dareen iyo doonis hor leh.Sidaan u suntday malaha waa tii Nabigu NNKH “ aduunyadu waa raaxo, waxaana ugu raaxo iyo farxad badan, haweenay wanaagsan”.

Illaahaygii abuurtay, ceeb ka madhanaa! Dabeecadda, hab-dhaqanka iyo asluubtu waa astaan lagu ababshay. Markaan aqliyey ayaan hammiyey aragtideeda iyo hanashadadeeda laakiin waan ku sari waayey oo waxaan galay yaahdin iyo indho indheyn joogta ah, dhabankaan arkaba waan fishaa mase noqoto oo iyadu ka dumarka kale ee dunida guudkeeda rabbi ku abuuray way ka sidataayo la suuraba ma aha. Mararka qaar waxaa is idhaahdaa, malaha xuurral-ceyntii ehlu jannaha rabbi u diyaarshay ayaad maahmaahatay in laguu soo hor mariyo oo maba joogto aduunka gabadha aad raadinaysaa?. Haddana waxaan isku qanciyaa in ay tahay iyadu nasiib rabbi ii qorey intaan dunidan joogo laakiin, ay ii ga baahantahay sugid iyo samir oo waxaan isku qanciyaa maahmaahdii ahay “samraa sad hela”.

Buug aan maalin akhrinayey oo uu qorey qoraa Soomaaliyeed oo aan saaxiibbo nahay ayaan xasuustay magac ku jiray oo ahaa “ Cubtan”, eraygu sida aad ka dareemaysaan waa wax lagu murmay ama la isu quudhi waayey, sidaas darteed ayuu xifaaltan iyo dagaal u dhacay sababteeda oo rag ayaaba u naf waaya, anigu waxaan marar badan isku qancinayey oo aan malo awaashay inanta aad raadinaysaa waa “Cubtan” oo heli maysid illaa aad raadiso deedna haddii lagaaga hor mareyna aad dagaal huriso oo reero isu gumaadaan inantaa darteeda, aniga unbaa haddana iska shaafiya su’aashaas oo waxaan idhaahdaa, lama joogo barigii dagaalka ee malaha dedaal bay kaa rabtaa keliya, deedna waxay ii tilmaantay garashada iyo ilbaxnimadu inay jirto meel la yidhaahdo “baraha bulshada” oo ay ugu caansantahay mareegta “Facebook” oo laga helo dad badan oo summad laawe ah laakiin korkaas lagalawada joogo oo nin kastaaba dushaad ka ilaashanayo , haddii aan ka goobana malaha aan maalin uun iskaga soo hor bixi lahayn meel jiiro ah oo faallo iyo faduulin laga bixinayo. Is aragnaye maxaa dhacay?

Sheekadani waxay qayb ka tahay Curisyo aan uruuriyey oo aan soo saari doono Insha Allah.
Fadlan kasoo talo bixi sida aad u aragto. Mahadsanid.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=2190305187958263&id=100009364098051

W/Q: Tubeec Dahir 

No comments:

Post a Comment