“‘Waxaan Shaqada Qaranka Kusoo Galay 18 jir.’” Tubeec Dahir
Roble Axmed Iidle (Qalb Taajir)
Sannadkii 1990 ayuu Roble Axmed Iidle ku dhashay magaalada Bacaadweyn oo Magaalada Gaalkacayo u jirta 58 Km ee dhanka woqooyiga. Waxbarashadiisii hoose iyo dhexe wuxuu kusoo qaatay isla Deegaanka.
Taariikhdu markay ahayd 04-07-2011 waxaa loo magacaabay xoghaya dowladda hoose ee degmada Gaalkacayo, waxaana jeerkaas u magacaabay AHUN duqii degmada Gaalkacayo ee xilligaas Mudane Axmed Cali Salaad. Labo sano ka dib, waxaa loo magacaabay madaxa dabagalka ee Kastanka Degmada Bacaadweyn. Sannadkii 2012 ayuu Roble ka billaabay Jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaaso ka billaabay Kuliyadda Maamulka iyo Maareynta, Waaxda Maamulka Guud, wuxuuna dhammaadkii 2015 usoo beddashay Magaalada Muqdisho halkaas oo uu ka dhammeystirtay waxbarashadiisii Jaamacadda Soomaaliya (UNISO), 2016 wuxuu isla Jaamacadda Soomaaliya ka billaabay heerka labaad ee waxbarashada sare Takhasuska Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Diblumaasiyadda.
Roble wuxuu nolosha waxbarashada la daala dhacaba waxaa kusoo kordhay culeys dhanka reerka ah, walaalkii ka weyn ayaana ay ku timid geeri Allaha u naxariistee, halkaas wuxuu ka billaabay halgan kale oo Maareynta Nolosha Qoyska ah, halkaas oo uu la maray meelo adag iyo halgan dheer.
Roble Dhanka kale wuxuu ahaa nin jecel Akhriska iyo Qoraalka, wuxuuna ahaa nin dedaal badan. Wuxuuna noqday Qoraa soo saaray buug uu ugu magac baxshay Dalmar, mar aan weydiiyey sababta uu buugga u qoray; wuxuu ii sheegay inuu ugu talo galay dadka Qurba joogta ah iyo da’ yarta ka arradan aqoonta taariikheed ee dalka, wuxuuna u hibeeyey dhammaan dadka Soomaaliyeed, gobollo badanna wuu ku baahshay. Kadib qoraanimadiisii waxay u sahashay inuu ku biiro Golaha Qorayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil, sidoo kalana wuxuu ka mid noqday Bahda Mac-hadka Daraasaadka ee Heritage iyo Xarunta Cilmi baadhista Muqdisho.
Horraantii 2019 Roble wuxuu u tartamay mudane Baarlamaanka Jubbaland, wuxuuna maray dedaal badan, nasiib darrose muusan ku guuleysan, wuxuuse ku hamminayaa manaasib ka sarreysa si uu ugu halgamo dalka, dadkiisana wax ugu qabto.
Roble hadda waa aqoonyahan haysta Shaahadada Master ee Xidhiidhka Caalamiga ah, waana xubin firfircoon oo ka tirsan Bahda Maskaxshiil, Bahda Muqdisho Book Fair iyo Bahda Kismayo Book Fair. Wuxuuna ku hamminayaa inuu heer sare ka gaadho Nolosha.
https://medium.com/@cirfe025/waxaan-shaqada-qaranka-kusoo-galay-18-jir-6c0802fe036b
W/Q: Tubeec Dahir
No comments:
Post a Comment